Halkan waxa aynnu kusoo gudbindoonnaa kalmado kusaabsan dhiirrigalin ama dhisid nafeed kuwaas oo raadayndoona naftaada oo Ah odhaahyadii ay ka tageen ama laga dhaxlay dadyowgii dunidan saamaynta ku ballaadhan ku reebay.
● sirta ugu horraysa ee guushu waa inaad naftaada Aamminto *(yacnii inaad garato waxa aad tahay ugu horayn ogaatona inaan qofna udhalannin ama dhaxal uhelin guusha e loo simanyahay waxa kaliya ee la isku dhaaffayna uu yahay dadaal iyo doonis naffeed iyo han sare)*
Marka damaca qayrkaa
Yahay duni dhan maaree
Adna maaha dib uguur
Oo hankaaga duudduub
Darajada wax kaa xiga
Oon dadaal ahayn sheeg?
*Laabsalaax*
Guushaadu gacantaada ayay ku jirtaa hasse ahaatee dedaal badan ayay kaaga baahantahay.
Mustaqbalkaagu gacantaada ayuu ku jiraa waxa aadna taagantahay waqtigii aad ama dhissilahayd ee iftiiminlahayd ama aad gacantaada ku burburinlahayd.
Isku day inaad mustaqbalkaaga iftiimiso oo aad sabab u noqoto inuu noqdo mid ifaya lkn ha isku dayin inaad noqoto mid mustaqbalkiisa ibtilo ku noqda una horseeda inuu mugdi iyo hungo ku dambeeyo.