Xilibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland ayaa booqasho ku tagay  aqalka  baarlamaka wadanka uk

“ Waxa maanta xarunta Baarlamaanka Ingiriiska nagu qaabilay Xildhibaan Gavin Williamson, waxaanu booqasho nagu geeyay qaybaha kala duwan ee aqalka.


Xildhibaan Gavin Williamson, waxaanu uga mahadcelinay doodii uu dhawaan ka jeediyay Baarlamaanka Ingiriiska ee uu ku soo bandhigay aqoonsiga Somaliland.  "Waxaanu kaaga mahadnaqaynaa doodii aad ka jeedisay aqalka baarlamaanka." Ayaan u sheegay xildhibaanka, "Annaga dood keliya noomay ahayn, waxase ay ahayd tilmaan muujinaysa inaanu saaxiibo culus ku leenahay aqalka baarlamaanka Ingiriiska. Waxaanu nahay dad aan iloobin abaalka loo galo. Taas niyadaada gasho xildhibaan."


Gavin Williamson, wuxuu sheegay inuu sii laban laabayo dedaalka uu ku soo bandhigayo qadiyada madaxbanaanida JSL.


Xildhibaanada dalka UK socdaalka ku jooga ee la kulmay xildhibaan Gavim Williamson, waxa ay kala yihiin:


1. Gudoomiye-xigeen Siciid Mire Faarax 

2. Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac

3. Xildhibaan Abokor Siciid Cali

4. Xildhibaan Cabdilaahi Maxamed Axmed

5. Xildhibaan Axmed Maxamuud Cabdilaahi

6. Xildhibaan Xasan Saleban Dhuxul