Siyaasiyiinta isku deegaanka nahay ee u ordaya Hogaanka sare ee Dalka, annigoo dhamaantood uhaya qadarin, Sharaf iyo karaamo, oo ay yihiin Ragg mudan in ladoorto, kartideeda iyo dadnimadeeda leh.
Hadana Gudoomiyaha Xisbiga Wadani , Xirsi Cali Xaaji , waxaan u arkaa Hogaamiye Digtal ah oo uqalma in la taageero oo la isgarab taago waxaan ka dhex arkaa Rajo weyn in haduu maalin uun Xukunka yimaado dalka iyo dadka isbadal ukeeni karo,
Hadii Malaysia Mahaatiir Maxamed , kasoo baxay, oo Singapore uu kasoo baxay hogimiyihii Lee Kuan Yew ,ee aragtida dheeraa ee Wadanka Barwaaqada ka dhigay, hadii Rwanda heshay President Paul Kagame oo dalkaa ka keenay Dunida Saddexaad kana dhigay Dunida 1-aad ,
Hadii Turkiga Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan kasoo baxay, oo Wadankiisa 20 sanno kaga dhigay Wadan Casri, oo la majeerto,
Somaliland waxay haysataa Hogaamiye lamid ah ragaas aan soo sheegay cid kale maaha waa Xirsi Cali Xaaji Xasan, Somaliland waxay noqon kartaa Singapore-ta Africa waxaynu Juquraafi ahaan dhacnaa meel Aduunka muhiima u ah oo Aynu noqon karno Wadan ka shaqeeya logistics and services waxaynu leenahay Khayraad dibiici Ah
( Natural Resources) ,
Axmed Zawiil oo ahaa Caalim reer Masar ah ayaa yidhi hal Ku dhiga caanka ah .
الغرب ليسوا عباقرة ونحن ليس أغبياء، هم فقط يدعمون الفاشل حتى ينجح، ونحن نحارب الناجح حتي يفشل".
Reer Galbeedku Cabqariyiin maaha inaguna doqomo ma nihin iyagu Faashilkooda ayey taageeraan ilaa uu ka guulaysano, inaguna keena Guulaysta ayeynu fashilinaa ilaa inta uu ka guuladaraysanayo.
Maahmaah kale oo Carbeed ayaa tidhaahda
الرائد لا يكذب أهله
Sahanku dadkiisa been uma sheego, Gudoomiye Xirsi been inooma sheegayo waa hogaamiye xanbaarsan Af-kaar iyo arragti oo raba inuu nolosha Ummadiisa badalo,ee ay daashatay Faqriga , Xanuunada, Jahliga iyo shaqa la “aantu.
#Seek Change
Waxaan ahay isbadal doon.
By:Cabdi Yaasiin Yool