Aniga oo ka mid ah xubno metalaya Somaliland, Sharaf ayay ii ahayd inaan ka qayb galo shir caalamiya oo kulmiyay Soddon dawladood oo ka mida wadamada ku bahoobay ururka barwaaqa Sooranka( Common wealth countreis) oo ka dhacay Magaalada Birmingham ee dalka UK.
Waxa kasoo qayb galay oo shirka si wada jir ah naloogu soo wada casuumay Wasiirkeena arrimaha Dibada Dr Ciise Kayd iyo Adna Aadan.
Shirkaas waxa aanu ku bandhignay sida ay u tahay xaq aan la duudsiyi karin, la dafiri karin, oo cidna aanay dedi karin in Somaliland iyo shacbkeeda lagu ixtiraamo rabitaankooda iyo go’aankooda ah dawlad madaxbannaan.
Xidhibaan Xasan Dhuxul (Laabsaalax).