Doon U Rarnayd Ganacsato Reer Somaliland-na Oo Ku Degtay Bada U Dhaxaysa Somaliland iyo Yemen.
Sadex habeen ka hor waxa ku dagtay biyaha bada ee udhexeeya Yemen iyo Somaliland aaga baabell Mandab S/K Alqana oo ah doon urarneyd ganacsato reer Somaliland.
Doontan oo mudo maalmo koobana sabaynaysay ayuu Berbera Media Inc usheegay Ganacsade Maxamed Daa.uud oo kamida ganacsatada doontu urarneyd in rajo laga qabay in la hagaajiyo cilad kutimi ayaa Ugu dambeyn dagtay waxaana saarnaa 7 ruux oo shaqaalihii doonta ah 3 kamidi waxay ka caaryeen Bari Danaakil oo xeebaha Jabuutiya, halka mid kalena markab helay geeyay dalka Yemen sadex kamida Shaqaalihii doonta ayaa la layahay nolol iyo geeri.
Hantida doontu ku rarneyd oo lagu qiyaasay 265000$ ayaa ahaa Bagaash, waxaana lahaa ganacsade Maxamed Daa'uud Jaama Iyo Nin ganacsade carab ah oo lagu magacaabo Nuureyni Axmed Qaasim.
Berbera Media Inc